Soo saaridda iyo qaybinta tamarta danabka
Soo saaridda iyo qaybinta tamarta danabka
Danab-dhaliyaha waxa samayntiisa lagu guuleystay toddobaatannadii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Muddadaa ka hor ilaha danabku waxay ku koobnaayeen unugyada, kuwaas oo danab wax weyn lagu qabsado aan dhalin kari jirin. Danab-dhaliyuhu wuxuu u rogaa tamarta kulka ee makiinadaha uumiga, ama tamarta biyaha meel sare ka soo dhaca tamar danab aad u laxaad weyn si weynna looga faa'iideysan karo. horena aan loo arag.Hase yeeshee in kasta oo la helay hab lagu dhaliyo tamar danab aad u laxaad weyn, waxaa lala kulmay dhibaato ku saabsan xagga farsamada oo ahayd sidii tamartaas danabka loogu tebin lahaa meelaha durugsan ee lagu isticmaalo.
Waxa jira in danabka la dhex marin karo siligyo, oo loo tebin karo fogaansho dhowr kun oo kiiloomitir ah. Haddaba, isla markii lagu guuleystay samayntii danab-dhaliyaha, ee la suubiyey kuwo aad u fiican, ayaa waxa la isku dayey sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada la xidhiidha tebinta tamarta danabka. Waxa haddaba, la arkay in tamar badani ay lunto marka danabka la dhex mariyo siligyada. Tamartaas lumeysa oo isu bedesha kul waxa la isku dayey sidii loo heli lahaa tabo lagu yareeyo tamartaas danabka ee lumaysa. Markii baadiddoon badan lagu sameeyey ayaa waxaa la ogaaday in tamartaas danabka ee lumaysa marka lagu tebiyo siligyada la yarayn karo, haddii danab-hayaanka lagu tebiyo marka hore tamar kayd isdheerid laxaad weyn. Si aan arrintaas uga boganno aan qaadanno tusaale.
ka soo qaad in danab dhaliye ay awooddiisu tahay 1,000 Kw oo faanoole ku yaalla, la rabo in tamarta danabka ee uu dhaliyo loo tebiyo kismaayo, si warshadaha magaaladaas ku yaala ugu shaqeeyaan. Bal hadda aan eegno tamarta danabka ee lumaysa marka tamar kayd is dheeridda danab-dhaliyuhu ay tahay 5,000 V iyo marka ay tahay 50,000 V. Marka hore laxaadka danabka hayaanka uu danab hayaanku uu danab-dhaliyuhu dhaliyo ee raacaya siligyadu waxa weeye 200 A ( mar hadii P= VI).
I = P / V taas oo ah 1,000 Kw/ 5,000 V = 1,000,000 w/ 5,000 V = 200 A
Marka danbe laxaadka danabka hayaanka ee raacaya siligyadu waxa weeye 20 A waayo?
1,000 Kw/50,000 V = 1,000,000 w/ 50,000 V = 20 A
Bal aan ka soo qaadno in caabbiga siligyada uu danab-hayaanku marayaa uu yahay 20 oom. Maxay noqonaysaa tamarta danabka ee kulka isu beddeleysa ee lumaysaa? Tamartaas lumaysa waxa inna siinaya jidkan Q= I2 R waat.
Sidaas darteed tamartii danabka ee luntay labada jeer waxay kala tahay 200^2 x 20 = 800,000w ama 800 Kw marka hore iyo 20^2 x 20 = 800 W ama 8 Kw marka danbe. Halkaas waxa aynu ka arkaynaa in markii danab-hayaankii lagu tebiyey tamar kayd isdheerid hoose, ay tamar danab laxaad weyni luntay, markii danab hayaanka lagu tebiyey tamar kayd isdheeridda weyn tamar badani ma lumin. Marka hore danab-dhaliyihii awooddiisu ay ahayd 1,000 Kw, waxa ka lumay oo aan meeshii loogu talo galay gaadhin 800 Kw, taas oo ah 80%. Marka kalese tamarta danabka ee luntay waa 0.8%. Waxa innoo muuqanaysa in markii 10 jeer la kordhiyey tamar kayd isdheeriddii danab-hayaanka lagu tebinayey, ay tamartii lumaysay boqol jeer inteedii hore ka yaraatay, sidaa darteed, marka la rabo in tamarta danabka ee danab-dhaliyuhu uu dhaliyo la gaadhsiiyo meelo fog, waxa danab-hayaanka lagu tebiyaa kayd isdheeridda ugu weyn ee la heli karo.
Waxa kale oo aan yarayn karraa tamartaas lumaysa haddii la yareeyo caabbiga siligyada danab-hayaanku uu raacayo. Taas waxa la yeeli karaa haddii dhumucda siligyada la weyneeyo. Hase ahaatee, taasi waxay kordhinaysaa qiimaha siligyada waxaana ka jaban iyada oo siligyo dhumuc yar la mariyo danab-hayaanka oo lagu tebiyo tamar kayd isdheerid laxaad weyn.
Xilligaan badanaa danab-hayaanka lagu tebiyo siligyada waa kayd is-dheeri laxaadkeedu yahay 110 KV ama ka badan.
Inkasta oo sidaa la yeelo, haddana waa ay adag tahay sidii loo dhisi lahaa danab dhaliyeyaal abuuri kara tamar kayd isdheerid laxaadkeedu yahay malaayiin foolt. Sababata oo ah shaqalka makiinadda danab-dhaliyaha ayaan u adkaysan karin tamar kayd is dheerid laxaadkaas leh.
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script>
<!-- xayeysiin -->
<ins class="adsbygoogle"
style="display:block"
data-ad-client="ca-pub-3068685775778230"
data-ad-slot="9272610828"
data-ad-format="auto"></ins>
<script>
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
</script>
Waxa kale oo iyana jirta inaan tamar kayd is-dheeridda laxaadkaas leh aan guryaha iyo meelaha kale ee lagu isticmaalayo aan toos ahaan loo gelin karin. Taas oo waxyeello keeni karta.
Haddaba, sida qudha ee loo yarayn karaa tamartii lumaysay ee meelihii lagu isticmaalayey danab-hayaanka loo gaadhsiin karaa isaga oo tamar kayd is-dheeriddii la rabay leh ( tamar kayd is-dheerid ah 220 V iyo 120 V ayaa badanaa la isticmaalaa), waxa weeyaan iyada oo la kordhiyo tamar kayd isdheeridda uu danab-dhaliyuhu dhaliyo oo laga kordhiyo isla meesha danab-dhaliyuhu uu ka dhisan yahay, dabadeedna la yareeyo tamar kayd is-dheeriddii marka la soo gaadhsiiyo meelihii lagu isticmaalayey.
Haddaba, danab-hayaanka qumman si fudud looma beddeli karo tamar kayd is dheeriddiisa, hase yeeshee, danab-hayaanka talantaalliga si fudud ayaa tamar kaydkiisa loo doordoorin karaa iyada oo tamar danab weyni aanay ka lumin haddii la adeegsado dooriye.

Warshadaha waaweyn ee danab-dhaliyuhu yaallo waxay dhaliyaan xaddi weyn oo tamar danab ah oo tamar kayd isdheerid talantaalli ah oo laxaadkeedu yahay ilaa 20 kun foolt iyo rakaad 50 HZ leh. Tamartaas danabka waxa ay sii martaa dooriye kordhiye ah oo tamar kayd is-dheeriddii kor u qaada oo ka dhiga boqollaal kun oo foolt. Dabadeedna waxa uu dooriye kordhiyihii u gudbiyaa tamartii danabka siligyo gaadhsiiya meeshii lagu isticmaali lahaa. Inta danab-hayaanku aanu gaadhin guryihii iyo meelihii kale ee lagu isticmaalayey wuxuu sii maraa dhowr dooriye oo yareeya tamar kayd is dheeridda. Ugu dambeysta waxa tamar kayd is dheeridii loo yareeyaa 120V ama 220V. Markaas danabkaa tamar kayd is-dheeridda hoose leh ayaa guryaha, xafiisyada iyo dugsiyada lagu isticmaalaa. Hadii aad magaalo weyn joogtid waxa laga yaabaa in aad xaafaddii walba ku aragtid guryo yaryar oo aan cidi ku noolayn oo ay siligyo badani galaan. Guryahaas yaryar waxa irridahooda ku qoran digniin oranaysa ka dheerow. Guryahaas waxa ku jira dooriyeyaal, hoos u dhiga tamarta kayd is-dheeridda danabka ka yimaadda danab-dhaliyaha, si markaas danabka loogu isticmaalo guryaha.
Waxaa tafatiray Axmed C. Yusuf
Xigasho: Fiisigis fasalka 3-aad dugsiga sare Wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta Muqdisho 1978
Comments
Post a Comment