Akhriska wanagsan iyo sida loogu raaxaysto akhriska qaybtii 2-aad




4. Raadi meel ku haboon in wax lagu akhriyo Hadii mar kasta oo aad wax akhrinaysid meeli ku cuncunayso amase meeli ku xanuunayso kuma raaxaysan kartid buugaad akhrisanayso! dooro meel nadiifa oo sharqan la'aan ah aadna diirada ku saari karaysid waxaad akhrinaysid. 5. Is deji Dhowr jeer qaado neefsasho qoto dheer intaadan wax akhriska bilaabin, sidoo kale cabitaan kululi agtaada ha yaalo si aad u cabtid, is dejintu waa hab cajiiba oo loogu raaxaysto waxyaalaha qaar. Hadii ay kugu adagtahay inaad hesho goob xasilloon isku day inaad ku akhrisato barandada ama baarkinada, goob hawada u furani markasta waa mida ugu fiican. 6. Fahan waxa aad akhrinaysid: mar kasta raadso heer kugu haboon, hadii aadan fahmayn ereyada ama oraahyada qaar, buuggaas waad ku caajisaysaa waadna ka niyad jabaysaa. 7. Ku xirnow sheekada : Is waydii dabeecadehee ayaad aad ugu riyaaqday? isku day inaad isku xirtid adoo barbardhigaya hiwaayadahaaga, hal-abuuradaada, waxaad jeceshahay iyo waxaad necebtahayba. Sidoo kale ka fakar hadaad iska badali karaysid dabeecadahaas dhamaan. 8. Ka dhigo akhrintaada oo dhan mid raaxo leh. Hadaad kaliya tahay mid akhriya waxyaalaha akhriskooda aad ku khasbantahay waa inaad badashaa dhaqankaas. Ha qaadan buugga ugu caajiska badan ee mawduuca ku saabsan. Aad maktabada raadina khiyaali taariikheed ku saabsan mawduuca, aad bay u fududahay inaad dheef-shiidid si raaxo lehna u akhrisid hadana aad cilmi ka kororsato! Markaad raadinaysid buuggaag ku saabsan mawduuc gaara caawin waydiiso masuulka maktabada. 9. Akhriska u qorshee wakhti: Ilaali dheeli tirnaanta wax kasta, ugu yaraan waxaad heli karaysaa haba yaraatee wakhti aad wax ku akhrisatid. kama heli doontid wax akhriska hadii aadan sidaas u qorshayn. 10. Samayso ahdaaf/goolal: Isku day inaad akhriso ugu yaraan hal bog asbuucii, kuna tartansii naftaada inaad labo akhrisid maalinta xigta! sidaasna ku soco ilaa aad ka gaarayso qadarka macquulkaa ee wakhtigu kuu ogolaanayo... ca-pub-3068685775778230

Comments

Popular posts from this blog

How to Develop Personality

Midabka cirka