Posts

Showing posts from September, 2016

Soo saaridda iyo qaybinta tamarta danabka

Image
Soo saaridda iyo qaybinta tamarta danabka Danab-dhaliyaha waxa samayntiisa lagu guuleystay toddobaatannadii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Muddadaa ka hor ilaha danabku waxay ku koobnaayeen unugyada, kuwaas oo danab wax weyn lagu qabsado aan dhalin kari jirin. Danab-dhaliyuhu wuxuu u rogaa tamarta kulka ee makiinadaha uumiga, ama tamarta biyaha meel sare ka soo dhaca tamar danab aad u laxaad weyn si weynna looga faa'iideysan karo. horena aan loo arag. Hase yeeshee in kasta oo la helay hab lagu dhaliyo tamar danab aad u laxaad weyn, waxaa lala kulmay dhibaato ku saabsan xagga farsamada oo ahayd sidii tamartaas danabka loogu tebin lahaa meelaha durugsan ee lagu isticmaalo. Waxa jira in danabka la dhex marin karo siligyo, oo loo tebin karo fogaansho dhowr kun oo kiiloomitir ah. Haddaba, isla markii lagu guuleystay samayntii danab-dhaliyaha, ee la suubiyey kuwo aad u fiican, ayaa waxa la isku dayey sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada la xidhiidha tebinta tamarta danabka. Wax...