Maalin qorexeed daruurana aysan jirin hadii aad cirka eegtid waxaad arkaysaa in cirku leeyahay midabka buluuga, laakiinse muxuu buluugga u yahay? Waligaa su’aashaas ma is waydiisay?
Hadaba jawaabtu waa sidaan:
Atmosfeerka inagu xeeran wuxuu ka kooban yahay %78 nitrojiin ah iyo %21 oksajiin ah inta soo hartay ee %1 uu yahay badankiis gaaska Argon iyo uumi biyoodyo. Sidoo kale atmosferka waxaa laga helaa quruubyo sida boodh, dambas iyo faxalka oo kale ah. Iftiinka ka yimaada qorraxda inta aysan ku kala jabin atmosfeerka waxuu u muuqdaa midabka cadaanka waxaana ku dhex jira dhamaan midabyada jeegaanta(spectrum)
Isaac Newton isagoo 23 jir ayaa wuxuu tijaabiyey qol mugdi ah iftiinkii kasoo galayey dalool yar isagoo marinaya bayraamidh (pyramid) , wuxuuna arkay inay samaysmayso midabada jeegaantu.
Falaaraha iftiinku marka ay soo galaan atmosfeerka quruubihii aan horay usoo sheegnay ee dhex sabaynayey marka ay isku dhacaan waxaa imaanaysa inay kala jabaan ayna halkii falaar ee cadaanka u muuqatay u qaybsanto dhamaan midabadii jeegaantu ka koobnayd.
Cirku inuu u muuqdo buluugu sababta keentay waa waxa loo yaqaan “Rayleigh scattering”.
Fiisigisyahankii Ingiriiska ahaa ee Lord Rayleigh natiijada baaritaano uu sameeyey wuxuu ku helay in hirarka ilays dhererkoodu gaagaaban yahay ay ka baahi ogyihiin kuwa dhererkoodu ilaysi dheer yahay.
Isha bini-aadamku waxay dareemi karaysaa ama arki karaysaa hirarka ilays ee u dhexeeya 400nm ilaa iyo 700nm waxaana qaybtaan elektaromagnetig isbektramka lagu yiraahdaa Ilayska la arki karo.
Maadaama midabada oo dhami dhererka hirarkoodu kala duwan yahay baahidooduna isku mid ma noqon karaan.
Falaaraha ugu hor baahi og oo ah kuwa dhererka hirkoodu ugu yar yahay waa midabada buluugga iyo purple-ka.
Hadaba hadii midabada purble-ka iyo buluuggu ay isku mar soo baahaan muxuu cirku purble ugu ekaan waayey oo kaliya buluug ugu egyahay?
Jawaabteedu waxaa weeye falaaraha iftiinka ee ka yimaada qorraxda xaddiga midabka purble-ka eek u jiraahi wuu ka yaryahay midka buluuga ah, sidaasi darted waxaa indheheenu qabanayaan buluuggaas xaddigiisu badan yahay.
W/q: @Horumari aqoontaada Page
Share dheh oo la wadaag asxaabtaada
Xigasho:
http://www.physics.org/article-questions.asp?id=108
http://www.livescience.com/32511-why-is-the-sky-blue.html
http://www.fizikist.com/gokyuzu-neden-mavidir/
http://spaceplace.nasa.gov/blue-sky/en/
Comments
Post a Comment