Sida loogu raaxaysto wax akhrinta Qaybtii 1-aad


✎ Sida loogu raaxaysto wax akhriska ✍ Waxaa si seyntifigeed loo xaqiijiyey in buugtu ay hagaajiyaan qaab hadalka, darajooyinka, fikrado abuurida iyo xitaa farxadaada. Iyadoo faa'iidoyinkaas qaaliga ah laga helo nasiib daro qof kastaa kuma raaxaysano akhrinta buugaagta taasoo aan u wanagsanayn mustaqbalkiisa akhriska. Wax akhrinta oo laga dhigto hiwaayad aad ku raaxaysatid wax kasta waxay ka dhigaysaa sida ugu wanagsan. Meel kasta waad aadi karaysaa adoo gacantaada buug ku sita, marka waa inaad daa'intaa akhriska hadaad rabto inaad ku raaxaysato akhrinta. Hadaba si akhriskaagu u noqdo mid ku farxad galinaya oo soo jiidasho leh waa inaad samaysaa 10-kaan talaabo : 1. Dooro Buug kugu haboon. waa maxay noocyada buugta aad xiisayso? Akhrinta waxaad xiisaynayso badanaa waa furaha inaad jeclaatid akhriska. Hadii aadan jeclayn keyga shukulaatada ka samaysan macneheedu maahan inaad wada neceb tahay keyg oo dhan. ahriskuna waa sidaas oo kale. 2. Waydii saaxiibadaa iyo qoyskaaga noocyada buugta ay jecelyihin. Halkaas waxaad ka bilaabi karaysaa barashada noocyo buugaag kala duwan, aadna ka heli karayso fikrad ku saabsan halka ay tahay inaad wax ka bilowdo. Sidoo kalana waxaad waydiisaa sababta ay ku doorteen iyo waxay ku jeclaadeenba. 3. Akhri buug ka sheekaynaya filimka aad xiisayso. Mararka qaarkood filimadu waxay ku salaysan yihin buugaag, shaashada hadii la soo galin lahaa waxa buugaagtaas ku qoran oo dhan filinku wuxuu noqonayaa mid aad u dheer, marka akhrinta buugaas waxaad ka helaysaa xog dhamaystiran oon filinka ku jirin. pub-3068685775778230

Comments

Popular posts from this blog

How to Develop Personality

Akhriska wanagsan iyo sida loogu raaxaysto akhriska qaybtii 2-aad

Midabka cirka